Jeer ay ahaataba, waxa maankooda ku jirtay inay isla jiitaan,oo ay udbaha u aslaan aqal iyo irrid iyaga ugaar ah, waxa ayna diyaar u ahaayeen, inay jibaxaan dhibaato kasta oo hortaagan jamashada iyo jacaylkooda.
Inbadan ayey isu jeel-qabeen, balse labadooduba waxay ku kala abtirsan jireen labo-beelood, oo muddo dheer isu ahaa col iyo cadow.
Colaaddii dhexmartay beelahaasi, waxay ahayd mid sahayatay naf iyo maalba, aanada iyo aarsiguna waxay ka
Mid ahaayeen; xaaladaha maalin laha ah ee arooryo kastaba lagu waaberisan jiray.
Go'ayeyda,gooha,gambo-tuurka iyo geesaaska dumarkuna, waxay inta nool agtooda ka noqdeen hees-hawleed lagu hawl-galo; marka halista iyo hujuunka la qaadayo.
Si kasta oo xaalku ahaa iyo si walba oo loo kala jacuurayba, caashaqa gaamuray ee ku dhex-magoolay qalbiga Qamar iyo midka Rooble ba, waxa uu ahaa mid aanay saamaynin saawa-saawihii iyo sulufkii colaadeed ee ka dhex-aloosnaa eheladooda.
Ugu dambayntii, waxay go'aan iyo gunaanad ku gaadheen in ay isla baxsadaan, waxa ayna suntadeen habeen habeenada ka mida, iyaga oo ku ballamay goob iyo geed ay isla garanayeen.
Wax la sugaba, muddo dhawr caana maal ah kadib, waxa daaha soo-rogtay habeenkii u-astaysnaa.
Isla fiid-cawlkiiba, waxa rugtii lagu balamay soo gaadhay rooble oo rucleynaya, rajana ka qaba inay qamar u iman; iyada oo afar-qaadaysa.
Qadar qof-nool la sugi karo, markii uu ku sugnaa goobtii ballanta, qamarna weli aanay qoob soo qaadin, ayaa uu ku tashaday in uu ka war-doono, waxanu udhaqaaqay dhankii iyo dhinacii uu ka filayey inay kasoo bidhaanto.
Kalgacal ayaa jiitaye, socodkii waxa uu dul-geeyey aqalkii iyo ooddii ay qamar ku noolayd.
Qacdiiba, waxa dhegihiisa kusoo dhacay ereyo kaftan ubadan oo ay hal-wadagayeen qamar iyo qoyskeedu, isna waxa uu naftiisa amar ku siiyey inay ag-joogsato ardaaga lagu caweynayo, waana uu ku dhiiraday ,kadibna wuxu salka dhigtay ardaaga dhabarkiisa.
Hal-cabaara kolkii uu kada-loobay, kashiisuna kolba xasuusato utuntii colaadda sokeeye, ayaa uu ushiisii inta uu si qarsoon ufideyey; faraha kaga gujiyay Faadumo-qamar.
Filan waa iyo fajac ayey ku noqotay qamar, balse ma ay jaleecin, mana muujinin wax naxdin iyo anfariir ah, garatayna ushu inay tahay tii ROOBLE.
Iyada oo kaftankeedii sii wadata, ayey su'aal ku dhex-tuurtay wiilashii iyo gabdhihii la dhashay ee ardaaga kula caweynayey, waxayna tidhi: " haddii wiil kasoo jeeda beeshan colaaddu ina dhex-taalaa, caawa soo doono mid ka mida hablaheena, soona fadhiisto ardaagan dheegiisa; maxaad samayn lahaydeen?."
Judhiiba, lix gashaan qaad oo la dhashay ayaa ku jawaabay: "dhegta ayaanu dhiigga udari lahayn."
Qamar oo qososhay ayaa markale hadalkii qaadatay oo tidhi:
" anigu waxan odhan lahaa; waar ma HEDI ku wadday,mise GAAJO ku wadday, mise CALAF ku wad.
Haddii ay hedi ku waddo, ardaaga iyo aqalka soo gal ragga aad is aragtaane; haddii gaajo ku waddana, orod oo dhiisha caanaha ah ee sudhan geedka ka dambeeya xerada adhiga, cab oo dhan.
Haddii calaf ku waddana, orod oo ku noqo geedkii iyo goobtii aynu ku ballanay."
Rag iyo dumar intii golaha joogtayba, waa ay layaabeen hadalkaa ay umaleeyeen kaftanka iyo cayaayirka, balse Rooble oo gartay talada iyo farriinta wanaagsan ee sida duurxulka ah loogu soo gudbiyey, ayaa go'iisii ka qaatay goobta, toosna wuxu u-abaaray halkii lagu sheegay caanaha, markii uu gaajo gooyeyna, waxa uu dib ugu laabtay kobtii ballanku ahaa.
Caweys xasuustiisa iyo xanaftiisa lahaa kadib, amintii dhabanka dhulka la dhigay ayey qamar oodda-jebisay.
Ilaahay amarkii, si nabad iyo naxdin la'aana ayey ku galbatay oo ku gaadhay geedkii ay tilmaansadeen.
Cagidiiba,qamar iyo rooble markii ay kulmeen, waxay iyagoo uursan cagta saareen dhabihii.
Waxa ubilaabmay socod dheer oo guure bahalayn iyo gudoodi-socod ah, habeenkuna waxa uu ahaa mid aad u madow iyo mugdi badan.
Marka laga yimaaddo bahalaha dad-qaadka ah; waa habeen uu calafsi baaxad leh ku taamo bahalka-hoose, ee ay ugu horeeyaan abeeska iyo abriska aadunka ahi,balse Halista ugu wayn ee ay ka wer-wersanayeen waxay ahayd raacdo kadaba timaada.
Gucle-orod, gaatin-socod iyo gabbasho waxay ku guureyaanba; amintu markay ahayd mirtii-dhexe, ayey go'aansadeen inay xiiq-tirtaan oo ay nastaan,laakiinse
"Inyar oo duqsi loo xiiro" ayey xaaladii isku bedeshay.
Afartooda indhoodba waxay mar-kaliya wada arkeen AAR-MUUDAA ah oo kusoo jihaysan dhankooda; Walbahaarkii hore uhaysteyna, wuxu isu rogay wadne gariir.
Boodadii libaaxa,baroortii qamar iyo bilaawihii rooble ayaa marwada kulmay, kadeed iyo kaar badan kadibna waxa goobtii si wada jira ugu go'ay QAMAR iyo LIBAAXII, rooblena waxa soo gaadhay dhaawac culus oo uu la dhiig baxay.
Markii waagu walac yidhi; ayaa lasoo dul-joogsaday rooble oo dhabta ku haya meydkii qamar; waxay ahayeen lix wiil oo la dhashay qamar iyo aabaheed oo raacdo ahaa.
"Xanaf iyo xanuun badanaa" inta uu yidhi odaygii.., ayuu ku daray: " waar bal taliya".
"Maxaa aynu ka eeganaa? ninka bireeya, meydka inantana inoo qaada." Shan ka mida wiilashii, ayaa sidaa ku warceliyey.
Iyada oo aan weli tallaabo la qaadin, ayaa uu wiilkii ugu yaraa yidhi: " aabo, ninkan aad arkaysaa, wuxuu ku abtirsadaa reerkan aynu waqtiga dheer dirirsanayn, hase-ahaatee caawa uma uu soconin xumaan iyo cadaawad toona, balse wuxuu doonayey inuu inala xidido.
Aabo, anigu waxa aan ku odhan lahaa: ninkan wanaagga iyo wadajirka doonaya, waa in aynu uguurinaa inanta qamar ka yar, sidaana aynu kula xididnaa."
"Alle ayaa ilehe, waad haleeshay talada,
Ilaahay kuma hoojo," ayuu ku jawaabay odaygii reerku, si degdeg ahna waxa loo qaaday rooble.
Maalmo aan badnayd kadib, waxa la abaabulay arooskii, sidaana waxa ku hirgalay hoy, horseed unoqday in la heshiiyo.
FG: sheekadan waxa ka sheekeeya odayada somaliyeed, waxaan qoray oo kaliya hab-qoraalkeeda, anigoo ku daray labada magac ee kala ah: QAMAR IYO ROOBLE.
WQ: SAKARIYE YUUSUF XUSEEN.

No comments