Home Top Ad

Responsive Ads Here

Q:3AAD MURTI IYO MAAHMAAHYO SOMALIYEED

Share:

Waa qormadii saddexaad oo aynu ku soo qaadan doono, qayb ka mida murtida iyo maahmaaha somaliyeed.
Waa lagama maarmaan in aynu soo nooleyno afkeena hooyo iyo dhaqankeena somaliyeedba; si aanu udabargo'in afkeena hodanka ahi, waa inaynu si hagarla'aana uga qayb qaadanaa badbaadada uu ubaahan yahay afka somaligu.
Bar,baro,xasuuso,xasuusi,faafi oo fidi maahmaahyadan, si ay ugaadhaan ruux somaliyeed oo ubaahan barashada murtida iyo miidda dhaqanka somaliyeed.

1: bari waaga mooyee, waxsan kama yimadaan.

2: gu' curtay oo galbeed ku horeeyey, garanwaa makaa galay.

3: abtigaa kuuma aaro'e wuu kuu ooyaa.

4:doqon iyo habeenbaa madow.

5: caws jiilaal waa lama-huraan.

6: fuulimaad waa faro ku hayn.

7: abaar geel waa ilko la'aan,abaar dumarna waa ubad la'aan, abaar ragna waa arrin la'aan.

8: caqli gaalo iyo indho qudhaanjo midna lama yaraysto.

9: nimaan guursani gogol fiican ma seexdo.

10: nimaan kuu furidoonini, yaanu kuu rarin.

11: deriskaagoo gubanaaya, dugsi looma fadhiisto.

12: guur waa god gacan gali.

13:meel geed leh geel kuma qado.

14: dago(sako) dadkedaa la siiyaa.

15:geeridu nin hoy waayey bay hadh galisaa.

16:maba ay dhalane,dhogoraysan ogaa.

17: kaadi badane waa loo gogol badiyaa.

18: saddex, saddexbaa ugu liita:
*catrad xishood lagu waaniyey,
*caalim alle ka cabsi lagu waaniyey
Iyo
*cirroole dantii lagu waaniyey

19: dameer waa dameer sidi goodirkaba ha uboodee.

20: sirmaqabe allaa usahan ah.

21: xaq aan xoog wadani, ma soo xaroodo.

22: kaftan iyo kaadi duul-duul badanba
Waa la isku cadaabaa.

23:ninka raga dhiilbaa loo dhiibtaa, dhoon aad ka furatide.

24: inantii hooyadeed hadhuudhka tuntaa, iyana haadiskay barataa.

25: dayaxa haddii la waayo, xiddigahaa lagu gudaa.

26: hadal waa run kama rayste.

27: taladaan la rog-rogin, waa lagu rafaadaa.

28: ceebtaada oo ay kow ogtahay,kun looma sheego.

29: ayro geel hadba waa ninkii ku dambeeya.

30: ood kaa dheeri kuma dhaxan tirto.

FG:Xuquuqda sawirka waxa leh shafisaid.wordpress.com