" duruufaha kugu hurdaa,
Awood hinjisay rabaan." weedhsame.
Haddii aad rumaysan karto iyo haddii kaleba, maalin kasta oo kusoo martaa waxa ay soo yareysaa masaafada idiin dhaxaysa adiga iyo himiladaada.
Waxa laga yaabaa in aad istidhaahdo: waxa ku sugaya dhabe-dheer oo dhib badan, balse waa aad uga dhowdahay inta aad umaleynayso.
Ka fogow in aad isdhiibto ama aad niyad-jabto, maxa yeelay waxa dhici karta in aad hortaagan tahay albaabkii guusha.
Halgan inta aad awooddo, ogowna halganka iyo hore-socodku waxa uu hanti kaaga dhigayaa khibrad iyo waayo-aragnimo, aad kaga guulaysan karto carqalad kasta oo hortaagan, hawl wax ka qabasho ubaahan.
Haddii aad hakiso halganka aad ku baylah-tirayso hadafkaaga, waxa aad lumisay fursad aad ku hiigsan karto natiijo wanaagsan oo aad ku naaloon karto; inta ka hadhay noloshaada adduunyo.
Waxa hubanti ah, in qofkastaaba raadinayo, una rafaadayo sidii uu urumayn lahaa riyadiisa, waxa aana marag ma-doon ah, in shaqsi waliba baadi-goobay guul muhiim ah oo wax ka bedesha noloshiisa, waana kii abwaan hadraawi lahaa:
"Wax la helo libbaw mudan,
Wax la huro naf baw culus,
Wax la hubo wedbaa jiraa."
Akhriste, inkasta oo la yidhi:
" nin kastoo salaan dheer ubaxa,
Siibashaa xigiye,"
haddana murti kale oo digniina ayaa tidhaa:
" haka dhicin salaamada,
Qaar lagu siibtaa jiree," sida darteed si aynaan ku dhicin salaamada iyo jaran-jarta guusha, waa in aynu jeexannaa dariiqa loogu sahansho geediga guusha, inaga oo raacayna qodobadan kooban ee hoos ku qoran:
" wuxuunbaa ehel ii ah,
Dad nimaan af-aqaanee,
Si wax iila arkaayee,
Na midayso ujeeddo." Gaarriye.
Waana in aad ogaataa;
"Talo laysku geeyiyo,
Garabsiga aqoontaa
Geediga dhul doogliyo
Geyn kara barwaaqada."
In aad noqoto ruux lagu soo hirto, waa guul ka mida guulaha aad raadinayso.
Waxa uu hadraawi ina leeyahay: si aad uga dhex-muuqato filka kula nool,
" mintid noqo abaabulan,
Iyo lagama maarmaan."
Marka aad la kulanto, natiijada kasoo baxda go'aanka aan munaasibka ahayn, ayaa aad baranaysaa sida loo qaato go'aanka gunaanadka fiican.
Haddii aad quusato aakhirka waxa aad shaki gelinaysaa jiritaankaaga.
WQ: Sakariye yuusuf cigaal.