Dhinaca kale waxa jira ereyo ku cusub afkeena iyo kuwo la dhalan rogay macnahoodi asalka ahaa, tusaale ahaan: shidan,caadi iyo qaarkale oo la maydhaamayba.
Runtii, waxyeello walba oo soo wajahada afkeena, waxa loo aanaynayaa jiilka- cusub ee somaliyeed oo halis ku noqday jiritaanka hadalka, hawraarta iyo hiddaha aynu leenahay.
Si aanu qayb uga qaadano halganka haldoorka somalidu ugu hiilinayaan afka hooyo, waxanu isku hawli doonaa qormooyin taxane ah, oo aanu idinkula wadaagi doonno ereyo somali ah; haddii EEBE idmo.
1: Bogox= galbeed.
2: Tallan= murugo
3: Baarax= wanaag
4: Nabdi= qalbi, wadne.
5: Dunugle= qaxoonti, dallow
6:Cagidiiba= markiiba, judhiiba.
7:Hudeec= ninka ragga ugu liita
8:Diric/folaad= haldoorka ragga
9:Sarriig= xishood.
10:Sawrac= tilmaan, sifo shay, ummad ama qof gaar uleeyahay.
11:Haydaar= hoog iyo halaag.
12:Gannas= haytolosh, hoorri ,doqon.
13:Gandood=foorar
14:Gudoodi=habeen-socod , guure.
15:Sado= xoolaha la siiyo suldanka, marka la boqrayo ama la caleemo saarayo.
16:Saymo= halis
17:Gaaso-bixin= tabobarid
18:Gabbood= dugsi
19:Caynaan= majaraha, majare.
20:Tudhaale= naxariis
21:Utun= godob.
22:Hooto= waran yar.
23:Hillow = buseel jacayl awgii ah
24: Dacasho= macaluul.
25: mood-galbeed= midabka gabal dhaca
26:Dafash= waxyeello, balaayo.
27:kaytoon= degdeg
28:Carceeray= jiitay ,fogaaday.
29:Deedan/deedamo= tartan siiba baratanka fardaha
30:Nujub= dabaylo badda ka dhaca oo doonyaha iyo dadkaba waxyeela
FG: somalidu waa bulsho wadaagta dhaqan,diin, deegaan iyo luuqad isku mid ah, laakiin waxa jira kala duwanaansho lahjadeed oo aan lahayn saamayn-sheegan. Sida darteed waxanu ka cudur daaranaynaa kala duwanaantaa oo sababi karta, in ereyeda qaarkood qofba si uyaqaan.
WQ: sakariye yuusuf cigaal.
No comments