Home Top Ad

Responsive Ads Here

ABAAL-DARAN

Share:

Sida la sheegay; gabar aragla' ayaa aad u karaahsan jirtey nolosheeda; indho-la'aanta haysata awgeed.

Waxay aad unecbayd qofkasta oo adduunka oogadiisa ku nool, marka laga reebo wiil ay ilaa xad is-jeclaayeen.
Si hagar la'aana ayaa uu caawin jiray,
Una garab taagnaan jiray, waxa aanu
Marwalba dareensiin jiray inay utahay:
Siraadka iftiinsha adduunka.

badiba, marka ay lajoogto, waxay ku tiraabi jirtay: " markaliya, haddii aan
Adduunka arki lahaa, waa aynu is guur-
-san lahayn."

Maalin maalmaha ilaahay ka mida, gabadhii ayaa ruux qabli-wanaagsani ugu deeqay Labadisii indhood.
Qaliin dheer kadib, wax walba waa ay aragtay, xataa wiilkii ay aragiisa u jeel-
-qabtay.

" imika, waa aad arki kartaa adduunka
Oo dhan ee ma is-guursannaa?" Ayaa uu
Wiilkii weydiiyey.

Naxdin iyo amakaag ayey ku noqotay,
Markii ay aragtay in wiilku isaguba Indhoole ahaa, waana ay ku gacan saydhay dalabkiisii, kana dhego-adaygtay guurkiisii.

Wiilkii waa uu iska dhaqaaqay; isaga oo Ilmaynaya, waxa aanu usoo qoray warqad odhanaysa:" qaali, kaliya waxa aad ii xafiddaa indhahayga."

Ujeedada sheekada: sidani waa qaabka ay isu-bedesho maskada dadku; marka ay isbedelaan waayuhu

Kaliya, dad yar ayaa xasuusta noloshii hore iyo shaqsigii had iyo jeer caawin jiray; markii lagu jiray xaaladihii ugu kaarka iyo kadeedka badnaa.



No comments