Home Top Ad

Responsive Ads Here

Wiil-waal Iyo wiilkii uu Adeerka u ahaa

Share:

Garaad wiil-waal waxa uu ahaa hogaamiye caanka ahaa geyiga somalidu degto.

Garaadku waxa uu caan ku ahaa jirrabka, jirrabkuna wuxuu ka kooban yahay; jirrab-caruureed iyo jirrab-waayeel.


Hubaal, garaadku ma uu jirrabi jirin dhallaanka, hase-ahaatee wuxuu arrimo-adag oo garasho-dheer ubaahan hordhigi jiray inta garaadka leh. Aad bay utiro badan yihiin sheekooyinka iyo murtida lagala hadhay, waxaana ka mid ahaa: cadka rag isku raacay iyo dibiga ina naaso-adag.


Haddaba, sida la sheegay; beri baa wiil-waal umaleeyay in wiil uu adeer u ahaa damcay oo hungureeyay oridiisa, iyaduna ogoshahay, wax xog iyo xaqiiqa ah oo uu arrinkaa ku xaqiijiyana ma uu hayn. In muddo ah, markii uu la wer-wareegayey malahaa kusoo faro-muruxsaday, ayaa uu maalinkii dambe gabay mariyey; isaga oo geed kula shaxaya wiilkii uu adeerka u ahaa, waxaanu yidhi:


Wanaagsane walaalkay dhalyoow, wiilkayoow maxamed,
Sac wanaagsan oo weyl watoo, kayn wahdiya jooga,
Oo yarahe waal-waalanoo, wiilasha eryooda,
Weli inaadan naaskiisa qaban, ii mar wacad eebe.




Wiilkii oo shaxdiisii iska sii wata, waxna uga baxeen saca waalan ee adeerkii ka waramayo,ayaa yidhi:


Adeer adigu way waanisee,waxaan ku weydiiyay,
Hal waraabe dilay oo misana,weli xalaaleeyey,
Oo waax qalohaddii lagu yidhaa: aan wax kugu raacin,
Inaadan weel usoo qaadateen,iimar wacad eebe.

D: Sakariye yuusuf xuseen