Home Top Ad

Responsive Ads Here

weedho laga reebay waayeel

Share:






Jiilkasta oo adduunka soo maray ama soo mari doonaa, waxa uu ifka kaga tagaa labo-arrin:-
Arrin uu kaga duwan yahay facii ka horeeyay iyo mid uu sahay ahaan ugu reebo filka ka dambeeya ee ka dabo dhalan doona, waana kii abwaan xasan xaaji "ganey" oo arrintaa tilmaamayaa yidhi:
Wakhtigu wuu susumayaa
Midna waa la sugayaa
Soo-jire ma noolee
Qarni waliba wuu socon
Safna wuu ka dabo dhalan
Hadba kooda sara-kaca
Waxa sahayda uga taga
Kii horuu sagootiyey.
Haddaba akhriste, maanta waxa aynu dib umilicsanaynaa, si aynu maanka u xasuusino xikmaddihii tagay; qaar ka mid ah erayadii ay ka tageen ilmo-aadamkii inaga horeeyey, oo aan kusoo koobayo intan kor-ka xaadsiga ah.



"Inaad u-adkaysato waxaan loo adkaysan karin, ayaa ah adkaysiga dhabta ah."

"Mugdi aad la marto saxiibkaa, ayaa ka fiican iftiin aad marto kaligaa."

"Askar-adhiya oo uu hogaaminayo aar-libaax ahi, waa ay ka awood badan yihiin; orgi hogaaminaya askar-libaaxyo ah."................ muhiimadda hogaanka.

"Jacayl, waa marka farxadda qofka kale kaala qiimo badan tahay farxaddaada."

"Inan rag balaayo kasta oo ku dhacda, sadex arrin midkoodna madaayo; hurdo hammo iyo hunguri."

"Saxiibka kaliya ee daacadda ahi,waxa uu ka wanaagsan yahay 30,000 oo qaraabo ah."

"Qofkastaa waxa uu doonayaa inuu janno galo, haddana qofna ma doonayo inuu hadda dhinto."

"Adduunku waa farxad, murugo ka dambayso iyo murugo, farxadi ka dambayso.
Aakhirana waa farxad aanay murugo ka dambayn iyo murugo aanay farxadi ka dambayn."


"Hab-dhaqanku waa ficilka uu qofku sameeyo, maaha wax uu ku fekero, dareemo ama rumaysan yahay."


"Bedel wixii aad bedeli-karto; aqbal wixii aad bedeli kari weydo, masxadaadana ka saar wixii aad aqbali kari weydo."


Fadhi badan, socod badan ayaa dhaama inkastoo aanay labaduba ku qurux badnayn badnaanta."


"Dumarka waxaa soo jiita erayada ay maqlaan, taasina waa sababta uu raggu ugu sheego beenta. Raggana waxa soo jiita ,wixii ay indhaha ku arkaan, taasina waa sababta ay dumarku u isticmaalaan MAKE UP-ka."



No comments