Home Top Ad

Responsive Ads Here

sababaha dhaliya bilaabitaanka ganacsiga yar-yar

Share:
Ganacsi in la bilaabo, waxa dhaliya arrimo badan oo salka ku haya fikraha iyo duruufaha ku xeeran ruuxa, shakhsi kastaana waxa uu leeyahay hiraal iyo duruufo ugaar ah.
Hiraalku waa fikradda,hiigsiga iyo yididiilada ku gaaf-wareegaya madaxa iyo maanka ruuxa. Halka duruuftuna tahay; xaaladaha isbedelka badan ee ay wataan waqtiga iyo waayaha adduunku.

Khuburada aqoonta durugsan uleh ganacsigu, waxay kusoo kobaan arrimaha qofka ku dhiiri-geliya inuu unko ganacsi cusubi, inay tahay labo qodob oo kala ah: xiiso iyo xaalad-adag.
Xiisaha ruuxu uhayo inuu ganacsi cusub bilaabo, waxa sababa:-
Jacaylka iyo kalgacalka uu qofku uqabo inuu noqdo qof iskii uxoogsada oo umadax banaan meel marinta masiirkiisa.
Rabbitaan uu rabo inuu ka midho dhaliyo fikrad ganacsi.
Inuu soo-saaro dakhli ka badan, ka uu ka helo cid-ushaqaynta.
Inay umuuqato faa'ido dhaqaale.

Waxaa kale oo ruuxa ku dhiiri-galiya inuu bilaabo ganacsi cusubi; waa xaaladaha adag ee soo wajaha ruuxa, xaaladahaasi waxay madax-madax ugu tuuraan ganacsi bilow ah.
Qofka xaalku ku adkadaa; ma fiiriyo faa'idada ku jirta iyo khasaaraha uu kala kulmi karo.
Inta badan, ma cimri dheera ganacsiga qaabkan ku abuurmaa, mana dakhli fiicna. Arrimaha sababana waxaa ka mid ah:-
Qofka oo shaqo-la'aani hayso, ama shaqada oo laga eryey.
Isfaham la'aan ka dhex-aloosanta isaga iyo loo-shaqeeyaha uu ushaqaynayo.
Inuu dareemo in aanu naftiisa ku hor-marin karin mushahar uu qaato.




  • RAADRAACA: FURAHA GANACSIGA.

No comments