"Waxaa aad doonaysaa inaad meesha ka saarto kala fogaanshaha, soo yaraysona masaafada idiin dhaxaysa.
Waxaa aad rajayneysaa inaad wax kaqabato ruxanka qalbigaaga; Waxaa aad rabtaa inaad ruuxdaada la midayso ruux kale.

Runtu waxay tahay in aanad farxad ku noolan karin inta aad kala fog tihiin; fiicnaan lahaydaa idinkoo is weheshada ama meel ku wada nool oo wadaaga waayaha iyo wixii wanaagaba.
Siday tahay xaqiiqadu; xaas bey uqalantaa iyo xilo xishood badan.
Waa qof qiimo leh oo uqlma in la jeclaado, loo xiiso, mar-marka qaarna loo ooyo.
Iyadaad ku uursan tahay; iyadaa ku deeqday,iyada mooyee iyo- kale ku anfici mayso; iyadaa ugu asluub badan inta nool.
Iyada....iyada...iyada.....iyadaa nafteeda ku aamintay naftaada, iyadaa dulqaad badan......iyadaana la ag joogi karaa.
Alla!!! Iyadu wacanaa; waa qof yaroo lagu tabcay....tabcay....tabcay..tabcay.
Casarkaan bartay, cisho iiga wanaagsan garan maayo; tollow,ma tobankii dambe ee ramadaan bay ahayd, mise maalin carafo la taagna.
Arageeda ayaan ku xasilaa,agteedana waa aan ku xiiq tirtaa; qosolkeeda iyo kaftankeeda xulka ahna, waxa aan ku xaliyaa dhibtayda.
Alla!!!!!!... iyadu wacanaa.......mar baan isyidhaahdaa: ma yara qan-qaniintaa, kol-kolna kor ma uqaad-qaadaa.
Amaani maayee; rabbi baa ku galaday garaadka iyo garashadaba; dheeman kuma sheegi karo oo waa dhagax, wax kale oo aan ku sifeeyana garanba maayo, waa se bilan boqol lagala baxo.
"Nasiib aad leedahay weeye" ayuun baa maqlee; alle ayaa ilehe,iyadu: "nasiib aan leeyahay weeye"
Neefta ay ku nooshahay naftaydu, ayey ii tahay niciimi; siraadka iftiinsha adduunka,ayey ii tahay suleekhi.
Aaaaa........aaaaa!! Tiro badanaa , magacyada aan ku tilmaamo inanta.........
Maanka iyo miyirka ayey ila mamuushoo,maantaba iyada ayaan ka fikirayey; ilaah baan ku dhaartee,qudhay ila qaybsataa.
Hadda aan la hadlo oo aan ka nasto mashquulka kusoo faro-muruxsaday madaxayga.
Inta ay iga maqan tahay, waxa ii sugnaatay murugo ee mee telefankaykii?
Miiska inuu saaran yahay ayaa aan umalaynayaa ee aan ka eego.
Dhega!! Ma dul-yaalo........xagee ayaa uu ka dhacay......ma dhulkaa liqay inkaarta."
Ayaa uu axmed ku soo af- meeray
waraysigii dheeraa ee uu la galay naftiisa.
Qadar lagu qiyaasi karo saacad badhkeed, markii uu ka dhex raadiyey guriga dhexdiisa, welina aanay qaban indhihiisu, ayaa uu fadhiistay oo uu nastay.
Waa uu naxsan yahay oo uu neef tuurayaa, nabdigana iska leeyahay:
"xeradii ba'daygu, miyaa uu lumay?....... mise meel kale ayaa.................," isaga oo aanu hadalku kasoo dhamaanin uurkiisa ayaa uu maqlay sanqadh la mida jabaqdii uu ku qaylin jiray taleefankiisu,
Isna dhegeha ayuu taagay si uu udhegaysto dhanka uu ka baxayo dhawaaqu, ugu dambayntiina waxa uu xaqiiqsaday inuu jeebka ku haysto taleefanka.

LASOCO QAYBTA 2AAD.......................
WQ: Yasiin yuusuf cigaal