Home Top Ad

Responsive Ads Here

murtida maanta iyo mahadhadii qaasim

Share:


Macan & Qadhaadh
Axmed Ismail Dirie "QAASIM",
Gabaygan oo ka mid ah gabayada Abwaan Qaasim lagu xasuusto waa uu abwaanku naftiisa ku tilmaamayo.


1. Dacartuba marbay malab dhashaa ood muudsataa dhabaqe
2. Waxan ahay macaan iyo qadhaadh meel ku wada yaalle
3. Midigtayda iyo bidixdu waa laba mataanoode

4. Midi waa martida soora iyo maata daadihise
5. Midina waa mindiyo xiirayiyo mur iyo deebaaqe
6. Masalooyin talantaalliyaan maandhow leeyahaye
7. Nin majiira keliyuun qabsada hay malayninae

8. Marbaan ahay muddeex camal san oon maagista aqoone
9. Marna macangag laayaanahoo miiggan baan ahaye
10. Marbaan ahay muftiga saahidnimo mawlacaw gala'e

11. Marna Mukhawi waashoo xumaha miista baan ahaye
12. Marbaan ahay nin xaaraan maqdaxa aan marin jidiinkise
13. Marna tuug mu'diya baan ahoon maal Rasuul bixinne
14. Marbaan ahay maqaam awliyaad maqaddinkoodiiye

15. Marna mudanka shaydaanka iyo maal jinbaan ahaye
16. Marbaan ahay murtiyo baanisaba madaxda reeraaye
17. Oo ay weliba muuniyo dulqaad igu majeertaane
18. Marna reer magaal Loofaroon muuqan baan ahaye

19. Waxan ahay nin midabbeeya oo maalinbays rogae
20. Muuqaygu gelinkiiba waa muunad goonniyahe
21. Miisaanna ima saari karo nin i maleeyaaye
22. Muslinka iyo gaalada dirkaba waan micna aqaane
23. Malaa'iigta naartiyo jannadu waygu murantaaye


24. Ninkii maalmo badan soo jiree madaxu boosaystay
25. Ee inan rag maamuli yiqiin waa i maan garanne

26. ninkasta halkii kuula mudan ee ay muhato laabtaadu
27. Ee aanad madadaaladeed ugala maarmaynin
28. Iska soo mar waa kuu bannaan marinkad doontaaye.



XIGASHO: XUQUUQDA WAXA ISKA LEH HOYGA SUUGAANTA

No comments