24 jir mudakar ah oo saarnaa tareen usocday deegaankii uu udhashay, ayaa mar walba oo uu daaqada tareenka fiiriyo ku qaylinaayey: "aabo, fiiri dhirtu waxay u-ordayaan gadaashena," aabuhuna waxa uu muujiyaa farxad; marka uu ereyadaas maqlo.
Lammaane dhalin-yar oo fadhiyey meel aad ugu dhow, ayaa si naxdin leh usoo jaleecay 24 jirkan u dhaqmaya sida carruurta yar-yar.
Iyaga oo aan kaba jeedsan, ayaa uu mar kale si dhakhso ah ugu dhawaaqay: "aabo, eeg daruuruhu inaga ayaa ay inala ordayaan."
Lammaanihii waa ay udulqaadan kari waayeen, waxa aanay ku yidhaahdeen odaygii: " wiilkaaga maxa aad ugu geyn weyday dhakhtar fiican."
Odaygii waa uu dhoolla-caddeeyey, waxaanu ugu warceliyey lamaanihii: "waan ugeeyey, hadda ayaa aanu ka nimi custibaalka.
Wiilkaygu waxa uu ku dhashay indho-la'aan, maantana waa maalintii ugu horreysay ee uu wax arko."
UJ: qofkasta oo adduunka ku nooli waxa uu leeyahay sheeko ugaar ah.
Ha xukumin dadka, ka hor inta aadan si xaqiiqo ah u ogaanin xogtooda, waxa laga yaabaa inay runtu kaa yaabiso.
X:livin3.com